Ibraahim Aadan Cabdikariin oo ka mid ah xildhibaanada garabka sibedel doonka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay in uu xabsi guri ku yahay magaalada Muqdisho, kadib markii lagala haray diyaarad u socotay gobolka Gedo.
Ibraahim ayaa sheegay in is hortaaga lagu sameeyey uu salka ku hayo arrimo qabiil, sida uu hadalka u dhigay, maadaama sida uu sheegay uu si buuxda u taageersanaa isbedellada siyaasadeed ee dowladdu ay ka wado Jubbaland.