Waxaa shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu qabtay nin Soomaali ah oo la socday diyaaradda Ethiopian Airlines.
Ninkaas ayaa waxaa la sheegay in diyaaradda uu kasoo raacay dalka Shiinaha oo dabayaaqadii sanadkii hore uu ka dillaacay caabuqa Coronavirus oo dunida kusii faafaya, waxaana muwaadinkaas looga shakiyey in uu sido caabuqaas.
