DHAGEYSO:-AFRICOM iyo Al-Shabaab oo warar kala duwan ka soo saaray duqeyn ka dhacday Jannaale

0

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii labaad mudo 24-saac gudahood ah diyaaradaha Mareykanku ay ka fuliyeen magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeyntaas oo dhacday gabaldhicii 10-kii bishan Maarso ee shalay galab ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka AFRICOM in lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, laguna burburiyey gaari ay wateen.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee AFRICOM, isla markaana aysan ka dhalan waxyeello soo gaartay dad rayid ah.

Dhinaca kale ururka Al-Shabaab oo war kasoo saaray duqeyntaan waxa ay sheegeen in diyaaraduhu ay beegsadeen gaari ay la socdeen afar qof oo shacab ah, kaas oo kusii jeeday magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka a uga hadlayeen arrintan.

Warbaahinta Al-Shabaab waxay kaloo qortay in duqeyntaas ay si gaar ah uga dhacday deegaanka Ugunji oo u dhow degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, isla markaana ay xaqiijiyeen geerida afar ruux oo la socday gaariga la beegsaday, waxayna qoraalkooda ku xuseen in dhimashadu intaas ka badan karto.

Duqeyntii tan ka horeysay waxay diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen isla degmadan Jannaale, maalin ka hor 9-kii bishan, waxaana war kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM-ba lagu sheegay in lagu dilay afar ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Isla markaana aysan waxba ku noqon dad rayid ah.

Waxaa batay duqeymaha is daba jooga ah ee taliska Mareykanka ee AFRICOM uu ka fuliyo koonfurta Soomaaliya, waxayna tani noqoneysaa duqayntii 26-aad ee Marayanku uu ka gaysto Soomaaliya, intii lagu guda jiray  sanadkan bilaawga ah ee 2020-ka.