AKHRISO:- Maandooriye Lagu Gubay Guriceel Iyo Taliska Booliska Oo Digniin Soo Saaray

0

Taliska Booliska Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo kaashanaya Taliska nabadsugida degmadaas ayaa Maanta goob fagaaro ah waxaa ay ku gubeen Maandooriye badan oo isugu jiray Khamri iyo Xashiish oo gacanta lagu soo dhigay.

Taliyaha Booliska Degmada Guriceel Daahir Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Maandooriyaasha ay gubeen lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidamada amniga.

Waxaa uu Taliyaha Digniin Culus u diray dadka ka ganacsada Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, isagoona sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkaas.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Daahir Faarax ayaa waxaa bulshada ku dhaqan degmadaas ugu baaqay ay gacan kasiiyan sidii ay uga hortegi lahaayeen waxyaabaha Maandooriyaha ah.