Guddi ay ku mideysan yihiin Muslimiinta Kenya ayaa war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale waxa ay ka hadleen qorshaha ciidamada Kenya.
Waxa uu sheegay in uu sheegay in dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee ka jira Xadka Soomaaliya iyo Kenya in uu baqdin geliyay muwaadiniinta kunool Gobolka Waqooyi bari. “Xaaladda socota ee buuqa ah, waxay saameyneysaa walaalaheen Gobolka Waqooyi, Dowladdu waa in ciidamadeenu ay dib ugu soo celisaa dalkooda” Sheikh Ngao.
Guddoomiyaha Guddiga Golaha La tashiga Qaran ee Muslimiinta Kenya ee loosoo gaabiyo (KEMNAC) ayaa u sheegay Daily Nation in Kenya ay tixgeliso Dowladda Soomaaliya, una ogolaataa in ay dhameysato Arrimaha dhexdooda.
Sheikh Juma Ngao Waxa uu Dowladda Kenya usoo jeediyay in ay kahor tagto khatar waliba oo bulshadeeda ku wajahan, isaga oo tilmaamay in ay wax ka qabato Arrimaha gudaha halkii ay xooggga ka saari lahayd Xuduudda.
“Haddii cabsi ay kasoo wajahday hanjabaadda Al-Shabaab, waa in ciidankeena la dhigaa Soohdinta, ma aha gudaha wadamada deriska ah. Iyagu ha yimaadeen marka hore oo wax ha ka qabtaan kuwa ku jira duurka Boni” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Muslimiinta Kenya.
Dowladda Kenya waxa ay wajaheysaa culeysyo kala duwan oo kaga imaanaya Ismaamulka Mandheera, Xildhibaanada iyo siyaasiyiin hore, waxaana haatan ku biiraya Golaha Muslimiinta Kenya.