SAWIRRO:-Madaxwaynaha Galmudug oo dhagax dhigay Madaxtooyada iyo Mashaariic kale iyo Dagaal dhacay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta daah furay mashruuc horumarineed oo lagu dhisayo Madaxtooyada Galmudug iyo saddax wasaaradood oo ka tirsan wasaaradaha muhiimka ah ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa Xariga ka jiray Mashruuca lagu dhisayo Madaxtooyada Galmudug iyo Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha iyo amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug waxaa dhagax dhigista Xarunta Madaxtooyada Galmudug ku wehlinaayay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka labada aqal ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Hirgelinta mashruucan waxa fulinaya hay’adda SSF oo ay u xilsaartay Dowladda Faderaalka Soomaaliya sida qorshu yahay sanadkaan 2020 –ka lagu soo gabagabeeyo dhismaha Xaruntaan.

Xaruntaan laga dhisayo Madaxtooyada Galmudug ayaa ah Taliska qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka,waxaana Madaxda Galmudug qorshaynaa in xarunta lageeyo banaanka Magaaladda Dhuusamareeb .

Ka hor xadhig jarka Mashruucaan ayaa waxaa ka dhacay Xarunta dagaal kooban oo u dhexeeya Ciidanka Madaxtooyada Galmudug iyo taliska qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay labo askari oo ka tirsan Ciidanka Maamulkaasi.