Dab ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taal magaalada Muqdisho geysteyna khasaare hantiyeed ayaa lagu guuleystay in la damiyo.
Kaalinta Shidaalka ee uu dabkan ka kacay oo ku taal kasoo horjeedka isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn sababta dhalisay,hase yeeshee waxaa ku gubtay goobo ganacsi oo ku dhowaa.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dabkan ay ku dhaawacmeen labo ruux oo ka shaqeyneysay kaalinka shidaalka.
Gaadiidka dabka lagu damiyo ayaa u gurmaday goobta uu dabku ka kacay iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystey in la damiyo.
Goobaha shidaalka lagu iibiyo ayaa ka mid noqday goobaha ugu badan ee lagu ganacsado magaalada Muqdisho waxaadna ku arkeysaa meel walba kaalin shidaal oo dhinacydana ay kaga yaalaan goobo ganacsi oo lagu iibiyo waxyaalaha kale.