AKHRISO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay James Swan

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulanka madaxweyne Lafta Gareen uu la qaatay wafdiga uu hogaaminayay wakiilka Qaramada Midoobay oo saacado qaatay ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa horumarinada ka socoda deegaanada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii Qaramada Midoobay ay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed gacan uga siin laheyn arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi oo haatan ku howlan soo dhisitaanka baarlamaankii labaad ee Koonfur Galbeed.

Dhanka kale kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa madaxa hay’ada UNICEF ee Soomaaliya, waxaana inta uu socday kulanka uu sheegay in wax badan ka qaban doonaan arimaha caafimaadka ee Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn safarka uu maanta danjire James Swan ku tagay Magaalada Baydhabo ayaa ah midii sadexaad tan iyo markii loo soo magacaabay Soomaaliya.