Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay guri laga haystay muddo soddon sano ah.
Gurigaan oo ku yaal waaxda Jabuuti ee degmada Kaaraan ayaa lagu wareejiyay Maxamed Shariif Cumar.
“Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku wareejiyay Maxamed Shariif Cumar oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo muddo 30-sano si sharci darro ah looga heystay gurigiisa oo ku yaala waaxda Jabuuti ee degmada Kaaran” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gurigaan lagu daganaa qaab sharci daro ah hayeeshee,dadkii daganaa ay ogolaadeen in ay ka guuraan.
“Gurigaan la wareejiyay ee sida sharcidara ah lagu daganaa ayaa waxaa ka muuqday dayac xoogan inkastoo dadkii muddadaas dheer daganaa ay oggolaadeen in si nabadgalya leh ku wareejiyaan iyagoo ka jawaabaya baaqa duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa inaan la aqbali doonin in Caasimadda gudaheeda qof hantidiisa sharcidara lagu heysto” ayuu lagu yiri warka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.
Dhammaadkii bishii hore ayay ahayd markii sidan oo kale guddoomiyaha gobolka Banaadi Cumar Filish uu ku wareejiyay guri ku yaal degmada Xamar Jajab dadkii lahaa.