Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir Cajiib ah wuxuu ka sameeyay Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyadda Qaran, ee dhowaan shirka ku yeeshay dalka Turkiga, Kuwaasi oo ay kamid yihiin Sheikh Shariif, Cabdiwali gaas, Xasan sheikh, Gaandi, Shariif Xasan, Cosoble iyo Xubno kale oo Mucaarid ah.
Amiin Caamir ayaa Sawirka Xisbigan ugu bixiyey [XISBIGA BADAR IYO BEESO] Wuxuuna ku sifeeyay Bahalo ku Bahoobay inay Boobaan dalka.
Amiin caamir ayaa sheegay inuu Xisabigan kasoo horjeedo “Wadaniyadda, Wadashaqaynta, Cadaaladda, Midnimada, Astaanta Qaranka, Sharafta iyo Karaamada”.
Taas Bedelkeeda Wuxuu Sawirka ku sheegay in Xisbigan uu dhiiri gelinayo “Musuqmaasuqa, Shisheeye Kalkaalka, Xaraashka Dalka Bad iyo dhul, Qabyaaladda, Qabiilka, Fowdada, iyo Cadyahow ku Cunay ama ku Ciideeyay”.