Wasiir Dhabancad”Dadka Puntland waa in aysan ka walwalin Shirka 15-ka bishaan ka dhacaya Garoowe”

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad uu sharaxay shirka 15-ka bishaan la qaban-qaabinayo in uu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Dhabancad waxa uu Dadka Puntlanad ka dalbaday in aysan walwal ka muujin Shirkaas oo ay isugu tagayaan Saamileyda Dowlad Goboleedkaas, si ay u miisaamaan doorka Puntland ay ku leedahay Dowladnimada Soomaaliya.

“Shirka ka dhacaya Garoowe 15-ka bishaan waa mid waxtar u leh Puntland, yaan laga hordhicin balse aynu sugno inta uu kasoo idlaanayo, waxaana dadka ugu baaqayaa in aysan ka walwalin” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland Dhabancad.

Waa uu sii hadlay waxa uuna tilmaamay in shirka ay ka qaybgalayaan Madaxda Talada haysa, Saamileyda Siyaasadda, Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo xubno kale oo uusan sheegin balse lagu ka qaybgalaya isku imaatinka.