AKHRISO:- Rasaas ka dhacday garoonka ciyaaraha Jowhar oo uu wiil dhalinyaro ku geeriyooday

0

Wiil dhalinyaro ah ayaa u geeriyooday rasaas ay rideen ciidamada Booliska magaalada Jowhar xilli rabshado ay ka dhaceen garoonka ciyaaraha magaalada Jowhar.

Ciyaar ka tirsanayd tartanta horyaalka magaalada Jowhar ayna u soo daawasho tageen boqolaal ruux ayaa markii ay soo dhamaatay waxaa ka bilowday rabshado iyo buuq.

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo boolis ah oo halkaa ku sugnaa ay rasaas rideen iyadoo rasaastaana ay ku dhacday mid kamid ah dhalinyaro u soo daawasho tagtay ciyaarta.

Wiilka dhalinyarada ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Xasan Bariise waxana uu ka mid ahaa ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Jowhar.

Ciidamadii garoonka ku sugnaa ee ilaalinaysay ammaanka ayaa xabsiga la dhigey iyadoo la baarayo shilkan uu ku geeriyooday wiilka dhalinyarada ah.