AKHRISO:- Xiisad ka jirta xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya

0

Wararka ka imanaya magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Maandheere ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka jirto xadka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xiisadan ayaa ka timid kadib markii la dareemay dhaqdhaqaaq ay wadaan ciidamada daacada u ah Jubbaland iyo weliba ciidamada dowlada federalka.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qoysas badan ay bilaabeen ina ka barakacaan xaafado kamid ah magaalada Mandheera iyagoo u barakacay deegaaano kale oo gudaha dalka Kenya ah.

Ciidamo katirsan Jubaland ayay dadka deegaanka sheegeen in ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Mandheera ee dhanka xuduudka Kenya, inkastoo Jubaland ay arrintaas beenisay.