War qoraal ah uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wasiirka maaliyada ee xukuumadda Somalia Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle ayuu ku sheegay in soomaaliya deymaha uu kulahaa bankiga adduunka uu ka cafiyay hadda wixii ka dambeeyane ay xubin ka noqonayaan bankiga adduunka muddo 30 sano kaddib.
Wasiirka ayaa sheegay in wixii xiligan ka dambeeya ay soomaaliya heli doontaa mashaariicyada iyo deeqaha uu bixiyo bankiga aduunka.
Qoraalka Wasiirka ayaa waxaa sidan u qornaa.
Waa markale iyo farxad horleh, Bangiga Aduunka ayaa cafiyay dhamaan wixii deyn ah oo uu Soomaaliya kulahaa dadaal badan kadib.
Waa markii ugu horeysay mudo 30 Sano kadib si rasmi ah aan uga mid noqono dalalka Xubnaha ka ah WorldBank oo aan helno deeqaha horumarinta bangigu uu siiyo dalalka Xubnaha ka ah.
Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya, dhamaan Wasaaradihii nagala qeyb galay Barnaamijka Deyn_Cafinta, Saaxibadeena caalamka oo ay ugu horeyso Dowladda Norway iyo Bulshada Soomaaliyeed oo si geesinimo leh noo garab istaagay.
Isbadal qiimo leh ma aha wax si fudud lagu heli karo, sidaas darteed har iyo habeen kama seexan doono inaan ku dadaalno wax walba oo aan ku horumarin karno dalkeena.