Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha xukuumadda soomaaliya ayaa sheegay in bankiga adduunka uu ugu deeqay soomaaliya lacag gaaraya 45 milion oo doollarka mareykanka ah, kaasi oo xalay lagu soo shubay bankiga dhexe ee dalka.
Lacagta baanka adduunka ka timid ayaa la doonayaa in lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka iyo in horumarin lagu sameeyo arrimaha bulshada ee dalka sida uu sheegay Mr Kheyre.
Intaa waxaa uu ku daray hadalkiisa in lacagaha loogu deeqay soomaaliya ay timid kadib markii ay hagaajiyeen hannaanka maaliyadeed ee dalka.
Talaabadan ayaa hormar weyn waxaa ay u tahay shacabka Soomaaliyeed.