Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay waxaa uu deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Kooxda Macawiisleey iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Kooxda Macawiisleey ay weerar ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo ka socday deegaankaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hiiraan.