Dagaalkaan oo geysaty khasaaro kala duwan ayaa waxaa xalay uu ku dhexmarey deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan Ciidanka Kooxda Macawiisleey iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in uu yimid,kadib markii Ciidanka Kooxda Macawiisleey ay weerar ku qaadeen Xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan laba Saacadood,kaas oo aan weli sirasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kasoo jeeda deegaanka Ceel-Cali ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Kooxda Macawiisleey dagaalkooda uu daba socdo dagaal horay halkaasi uga dhacay oo salka ku haaya Dhagax dhawaan halkaasi laga helay.
Wareysi uu siiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu sidoo kale ku sheegay Xildhibaanka in dagaalka uu dhaawac culus kasoo gaarey Nin kamid ah Nabdoonada ugu caansan deegaanka Ceel-Cali,isla markaana Gudaha deegaanka uu dagaalka ka dhacay.
Waxaa hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada Kooxda Macawiisleeyda ay doonayaan inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanka Ceel-Cali iyo deegaannada kale inay ka saaraan,kuwaas oo uu sheegay inay dadka xoolo dhaqatada ah dhibaato ku haayaan.