Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duqeyn ka dhacday shabeellada hoose

0

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay duqeyn ay diyaaradaha mareykanka ka fuliyeen Deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka shabellada Hoose.

Qoraalka dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, halka labo kalana lagu dhaawacay.

“Shalay Galabtii oo ay Maarso ahayd 2, 2020 ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka qaaday labo duqeyn oo lagu beegsaday Xubno Shabaab ah nawaaxiga Kuunya barrow ee gobolka Shabellada hoose” sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka dowladda ka soo baxay.

Sidoo kale qoraalka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri “Hoggaanka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in weeraradooda ay kaalinta koowaad la beegsanayaan Dowladda Soomaaliya, bahwadaageeda Geeska Afrika iyo Dowladda Mareykanka iyo danaheeda ee aduunka ku firirsan”

Warsaxaafadeedka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dad shacab ah aysan waxba ku noqon duqeymihii shalay ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

“Dowladda Mareykanka iyada oo kasoo baxaysa dawrkeeda ka saaran dadaalada caalamiga ayaa Ciidanka AFRICOM iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin ee Mareykanka ku gacansiinayaan Dowladda Soomaaliya dadaaladeeda ku aadan ka hortagga iyo xakameynta ururrada argagaxisada in ay soo abaabulaan kharbudaad baaxad leh” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda federaalka