Dowladda Kenya ayaa Markale ka Jawaabtay eedeeyn Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Federaalka Soomaaliya u jeedisay, taasi oo aheyd in Kenya ay faragelin cad ka wado xuduudka labada dal ay wadaagan.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin eedii uga timid dowladda Soomaaliya ee la xariirtay in faragelin ay ku wado Siyaasadda Arrimaha gudaha dalka iyo xuduudka labada dal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay inay Cabasho ka yihiin qoraal uu Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey u gudbiyay Golaha Amaanka, kaasi oo lagu sheegay in Kenya ay faragelin ku wado Somalia, waxaana sidaas qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi oo tilmaamay inuu arkay qoraalka kasoo baxay Kenya.