Ciidamada Dowlada oo baaritaan ku sameeyay guriga Wasiirka Amniga Jubbaland

0

Wararka ka imanaya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay ay ciidamada dowlada baaritaan ku sameeyeen guriga uu ku leeyahay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegaya in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, waxaana la sheegay in Ciidamada guriga ay kasoo bixiyeen hub kala duwan.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ma shaacin sababta rasmiga ah ee kaliftay in howlgalka laga fuliyo Hoyga Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya kuna sugan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Sidoo kale ciidamadan ayaa howlgalo baaritaan ah ka fuliyay guryo kale oo ka mid ah degmada Doolow ee gobolka Gedo.