Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Sabtiya hub culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in gelinkii hore ee Sabtida ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo diiday in la xigto ayaa iyana xaqiijiyay in ay Jawaab ka bixiyeen Rasaas xooggan oo laga soo riday dhanka Somaliland.
Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin wax khasaare oo dhankooda ka soo gaadhay Rasaasta laga soo riday dhinaca Somaliland.
Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo la hadlay Ciidamo katirsan Maamulkaas waxa uu kahor sheegay in aysan u dulqaadan doonin weeraro kaga yimid dhanka Somaliland.
Ciidamada labada dhinac ayaa horay dhawr jeer ugu dagaallamay degaankaasi Tukaraq ee gobolka Sool waxaana mararka qaar halkaasi ka dhaca iska hor-imaadyo kooban.
Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhowaan uu Labada dhinac dagaal ku dhexmaray Qaybo kamid ah Gobolka sanaag.