Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa loo heystaa in uu ka mid ahaa Al-shabaab, qeybooda fulisa weerarrada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Cabdiraxmaan ayaa 26-kii bishii September sanadkii 2019-kii lagu qabtay Baladul-Amiin isaga oo dhaawac ah, sida saakay laga hor sheegay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa go’aamisay 17-kii Febraayo in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaana garsoorayaasha u sheegay in eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira.
Sidoo kale Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan uu ka qeyb galay weerarro ka kala dhacay Bariire, Buulo-Mareer, Baraawe iyo Golweyn, tan iyo markii uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2010-kii, xilligas oo uu ka raacay magaalada Wanlla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose.
Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Sidoo kale guddoomiye Shuute ayaa sheegay in xukunsanaha uu heysto fursad rafcaan uu ku qaadan karo muddo ku siman 30-cisho gudahood.