DHAGEYSO:-Duqayn diyaaradeed oo ka dhacday degmada Ceelwaaq ee Gobolkaasi Gedo

0

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad ay leedahay Dowladda Kenya ay xalay duqeyn dhinaca cirka ah la beegsatay Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay duleedka degmada Ceelwaaq ee Gobolkaasi Gedo.

Xarunta la duqeeyey ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay ku taallo Deegaanka Xiisa Guur Oo 20-KM U Jira Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo,waxaana jira khasaaro duqeyntaas kasoo gaarey Xarunta Shirkadda.