Al-Shabaab oo warbixin carro leh ka soo saartay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

0

Ururka Al-Shabaab ayaa caawa markii ugu horeysay war kasoo saaray duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanku ay ka geystaan Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen in gumaad badan loogu geysto dadka shacabka ah, iyagoo soo bandhigay tirada dadka lagu dilay duqeymahaas.

Warbixinta Al-Shabaab oo carro ay ka muuqatay ayaa lagu sheegay “In duqeymahaas gumaad badan loogu geysto dadka shacabka ah”, iyagoo soo bandhigay tirada dadka shacabka ah ee ay sheegeen lagu dilay duqeymahaas.

Al-Shabaab ayaa shegetay in tiro-koob ay sameeyeen uu muujinayo in “In ka badan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee lasoo dhaafay, lagu beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la lahayn” Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dadka weeraradaas lagu dilay ay 37% yihiin beeraley, halka dumarka iyo caruurta lagu dilay weerarada ay yihiin 24.1%, iyo 21.4% oo ah dadka reer miyiga, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiraan caddeymo madax-banaan oo taageeraya tiro-koobka Al-Shabaab, inkasta oo horey loo xaqiijiyey in weerarada Mareykanka ay mararka qaar ku dhintaan dad shacab ah.

“Inkastoo colaadda uu Maraykanku u qabo muslimiinta ku nool Soomaaliya aaney ahayn wax hadda billowday, hadana waxa layaabka leh ayaa ah heerka dhagarta ee uu muujiyay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa, magaciisana loo soo gaabiyo AFRICKOM, kaas oo ku adkeysanaya isla markaana ka dhigaya dadka shacabka ah ee ku dhintay howlgalladooda iney yihiin ‘ bartilmaameed ciidan oo sharci ah” ayaa lagu yiri warka caawa kasoo baxay Al-Shabaab.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in markii lasoo weriyo waxyeello dad rayid ah kasoo gaartay duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka ay AFRICOM ku soo jawaabto war-saxaafadeed horay ugu sii diyaarsanaa oo ay ku inkirayaan in dad shacab ah ay wax ku noqdeen howlgalladooda.

“Waxay mar kasta ballan qaadaan in ay baaritaanno ku sameyn doonaan wax yeello soo gaartay dadka rayidka ah, balse taas ma dhacdo oo waxay sii wadaan gabood fallada” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Al-Shabaab ayaa warkan ka soo baxay ku sheegtay inweerarrada uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya ay yihiin kuwo aan kala joogsi laheyn oo lagu beegsado goobaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka  iyo qaysaska, islamarkaana dilo hooyooyinka, caruurta, odayaasha Qabaa’ilka, sida ay ku sheegeen qoraalkooda.