Xildhibaan Farxiya Muumin Cali oo kamid ah Golaha Shacabka BFSB ayaa waxa ay ka hadashay Doorashada dalka, Waqtiga kala guurka iyo Dhismaha Axsaabta siyaasadda.
Waxa ay soo dhaweysay in dalka ay ka dhacdo Doorasho ka duwan kuwii horay uga dhacay dalka, isla markaana Shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo Awoodda doorashada dadka ay doonayaan.
“Xisbiyada Dalku ma lahan Mabaadi’ cad oo looga mid noqdo, marka aad la barbar dhigtid Xisbiyada kale ee Dalalka ka jira iyo kuwa dalkeena waa ay kala fog yihiin, waxa aan jeclahay in aan kamid noqdo Xisbiga aan ka helo Aragtidiisa, inkasta oo aan wali arkin” ayay tiri Xildhibaan Farxiya Muumin Cali.