DHAGEYSO:-Biyo la’aan ka jirta Garbahaarey & Fariin ku socoda DFS

0

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in biyo la’aan baahsan ay soo wajahday shacabka ku nool degmadaasi, taasi oo saameysay noloshooda.

Qoysas hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay Biyo la’aan darteed ay uga barakaceen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Xaaladdan biyo la’aanta ah  ayaa aad u taabatay deegaanada kale ee ka agdhow degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ma jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan dhanka dowladda soomaaliya iyo maamulka axmed madoobe