AKHRISO:- Goodax Barre oo ku taliyay in Maamul Goboleed gaar ah uu noqdo gobolka Banaadir

0

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in caasimada dalka ay habboon tahay in ay noqoto maamul goboleed gaar ah.

Cabdulaahi Goodax wasiirka waxbarashada oo ka hadlayay munaasabad xarriga looga jarayay xarunta waxbarashada gobolka Banaadir ayaa sheegay in maadaama rubac ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay ku noolyihiin gobolka Banaadir ay habboon tahay in maamul goboleed yeelato.

“Mar hadii rubac dadka Soomaaliya oo dhan halkan ku nool yihiin meesha kaliya oo laga aadi karo waa in maamul goboleed noqotaa maadaama dalka uu federal yahay.”ayuu yiri Wasiir Goodax.

“Si Maamul goboleed uu noqdo Caasimada lagama maarmayo in dowlada federalka lala kaashado iyo shacabka gobolka banaadir,marka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hogaamin kara habkaas waana hubaa inuu yahay qof ka soo bixi kara.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Goodax.

Wasiirka waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa hore dhowr jeer hadalo kululul oo siyaasada dowlada baahiyay,lamana oga in madaxda sare