Iyadoo dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay xalay war ay soo saareen ku sheegeen in duqeyn ka fuliyeen duleedka Magaalada Jilib ay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, ayaa waxaa isla xalay soo yeertay in ruux la dilay uu ahaa maamulihii shirkadda Hormuud faraceeda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Senator Axmed Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga hadlay dilka marxuumkaas iyo warka ka soo yeeray dowladda federaalka iyo Taliska AFRICOM.
Senatorka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo tan Mareykanka ay ku fududaadeen dilka markuumkaas iyo in ay ku sheegaan ruux Shabaab ah. Isagoo sheegay in Mareykanka la siiyey warbixin khaldan, marar badana ay dhacday sidaan oo kale.
Senator Axmed Nadiir ayaa sidoo kale sheegay in marar badan ay dhacday in dad rayid ah ay duqeyn ku dilaan ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kadibna lagu sheego in la dilay Shabaab, balse ka baarlamaan ahaan aysan ogolaa doonin in qof Soomaaliyeed xaqdaro lagu dilo.