DAAWO:Wasiir Goodax oo sameeyey balanqaadkii ugu horeeyey ee maqaamka Muqdisho

0

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka go’antahay in gobolka Banaadir uu helo maqaam cad.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in maadaama rubac ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, ay wasaaradda waxbarashadu qorsheysay in maamulka waxbarashada Muqdisho ay ku wareejiyaan maamulka gobolka Banaadir.

“Dastuurkan qabyada ah markii la qoraayey, waxaa ku tiilay in gobolka Banaadir maqaankiisa la ceyn doono, marka shacabka ku nool waa in ay ku qanacsanaadaan in nidaamka hadda jira uu is bedelayo, maadaama aan sidaan lasii ahaan karin, meesha kaliya ee dan u ah magaaladan Muqdisho, waa in ay maamul goboleed noqotaa, maadaama dalku federaal yahay” ayuu yiri wasiir Cabdullahi Goodax.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan rabaa in la ogaado in wasaaradda waxbarashada ay ka go’antahay in waxbarashada gobolka aan ku soo wareejino maamulka gobolka, arin sahlana maaha oo mas’uuliyad weyn ayey wadataa, waxaana wa reeji doonaa wax walba oo la xariira waxbarashada la xariirta gobolka Banaadir”.

“Waxaa la yiraahdaa Hooyo caruurteeda waxa uga roon ma jirto, hadda in gobolka Banaadir caruurtiisa uu maamulo, wax uga haboon ma jirto, maamulka gobolka Banaadir-na waxaan uga fadhinaa in uu la yimaado fir-fircooni uu ku qaado mas’uuliyaddaas” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre.