Waxaa deegaanka Laasqoray ee Gobolka Sanaag oo maanta dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland.
Sahal Maxamed Jaamac Wasiirku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Somaliland , ayaa Xaqiijiyey dagaalkaasi, Wuxuuna xusay inuu Jiro Khasaare gaadhay Dhinaca Puntland, Wuxuuna ka gaabsaday inay Xog dheeri ah ka bixiyo Khasaaraha dagaalka.