James Swan Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee QM ee Soomaaliya u gudbiyey warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in muhiimadda sanadkan 2020 uu u leeyahay Soomaaliya.
“Sanadkan 2020, Soomaaliya waxay wajaheysaa tijaabo muhiim u ah horumarka dhismaheeda dowladeed, ayada qabaneysa doorasho taariikhi oo ah qof iyo cod,” ayuu yiri James Swan.
Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa waxa uu sheegay inay qasab tahay in lasii wado dhaqankii ay Soomaaliya caanka ku ahayd sanadihii hore ee ahaa in awoodda si nabad-galyo ah loo wareejiyo.
“Sanadihii tagay Soomaaliya waxay aas-aastay diiwaan joogto, oo ah u wareejinta xukunka ee si nabad-galyo ah. Horumarkan ammaanta mudan waa la joogteeyaa 2020,” ayuu yiri James Swan.