Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo loo yaqaano Rufle, kana mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.
Rufle ayaa ku eedeeyey Maxamuud Sayid Aadan in isagoo kaashanaya ciidamada Kenya uu dhibaato ka wado gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqeynayo iska hor keenka beelaha dega gobolka Gedo iyo hurinta colaadaha ka jira gobolkaasi baryihii danbe.