Gollaha wasiiradda cusub ee wadanka ethiopia oo uu maanta magacaabay R/wasaaraha Abiye Ahmed ayaa la dhaariyay.Golahiisa oo ka kooban 20 wasiir oo 10 ka mid ah ay Haween Yihiin.
Abiye Ahmed oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii dhaarinta Wasiirada, wuxuu ku tilmaamay tallaabada uu qaaday ee u kala bar kaga dhigay gollaha wasiiradda haween ay tahay mid lagu dhiira gelinayo doorka Haweenku ay ku leeyihiin maamulka.
Wasaarada Gashaandhiga oo ah jago muhiim ah wuxuu u magacaabya haween lagu magacaabo Ca’isha Mohamed Muse oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Ethiopia waana mid ku cusub Taariikhda dalkaasi.
Wasiirka maaliyadda Federaalka wuxuu u magacaabay Axmed Shido oo ah siyaasi ka soo jeeda qowmiyada Soomaalida Ethiopia.
Golaha shacabka dalkaasi ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub uu R/wasaaruhu magacaabay.
Halkan hoose ka aqriso golaha wasiirada cusub ee dalka Ethiopia.
Wasiirka Nabadda — Mrs Mulietat Kamil
Wasiirka Gaashaandhigga —Aaliha Muhammad
Wasiirka Maaliyadda — Ahmed Shide
Wasiirka Arrimaha Dibadda — Dr. Geeljeex
Wasiirka Beeraha Mudane Cumar Xuseen
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha – Mrs. Fetel Walte
Wasiirka Dhaqaalaha —– Mrs. Dawanne Herbie
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tiknoolajiyadda — Dr. Getahun Mekuria
Wasiirka Gaadiidka —— Mrs. Dagmominthew Patrick
Wasiirka Horumarinta & dhismaha magaalooyinka —– Mr. Janet Braye
Wasiirka Biyaha, waraabka iyo warshadaha tamarta —– Sileshi Bekele
Wasiirka Waxbarashada —— Dr. Tilaye Gete
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta —— Dr. Samuel Hurco
Sargaalka Golaha Guud —– Berhanu Tsegaye
Wasiirka Caafimaadka—— Dr. Amir Aman
Wasiirka Sayniska iyo Waxbarashada Sare: Mr. Hirut Woldemamar
Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada, Mrs. Woizam Taye Asfaw
Wasiirka Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Mr. Mulugeta Tesfaye
Wasiirka Dhaqanka Mudane—- Dr. Hirut Kassa
Guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta iyo Horumarinta Fitsem Assefa