Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen dadka degaanka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahano Al-Shabaab ka tirsan oo lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.
Al-Shabaab ayaa weerar khasaare geystay ku qaaday degmada Afgooye, habeen hore, waxaana hadda si weyn loo adkeeyay Ammaanka.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaama Al-Shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.