Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo Warbaahinta kula hadlay maagalada Hargeysa ayaa ka digay daandaansi dagaal oo uu sheegay in ay wadaan Putland iyo weliba Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Somaliland ay la socota tilaabooyinka ay dowladda Dhexe iyo Puntland ay ka waddaan degaanada Somaliland.
Wasiir Guri Barwaaqo kama hadal khasaaraha iyo weliba cidda Bilawday dagaal maanta Degaamo ka tirsan gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland.
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidamada Somaliland ay Saakay dagaal kula wareegeen degaano ka tirsan gobolka Sool.