Waxaa shalay ka dhacday deegaanka Bali-dhiig ee Gobalka Togdheer dhacdo xanuun badan kadib markii uu mid kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee deeganka uu cunay Neef Awr ah isla markaasna uu geeriyooday habeenkii xalayna lagu aasay isla deegaankaas.
Murxuumka uu Awrku cunay ayaa lagu magacaabi jiray Cawil Garoof waxaana cunay Awr 10 jir ah oo qooqan xiliga barwaaqada darteed.
Awr marka uu qooqan yahay ayaa doobiya, xiligaasina inta badan geel jirayaasha waa ay iska ilaaliyaan ilaa uu awrka ka helo hal uu la xaajoodo.
HALKAAN KA DAAWO