Nigeria Maxay ka tiri Doorashadii Madaxweyne Farmaajo?

0

Kusimaha Madaxweynaha dalka Nigeria  Yemi Osinbajo oo war qoraal ah kasoo saaray doorashadii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa sheegay in ay tahay Doorashadaasi Guul u soo hoyatay dhammaan umada Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha dalka Nigeria  Yemi Osinbajo  ayaa qiray in doorashadii lagu doortay Farmaajo in ay aheyd mid ku dhacday si caddaalad ah, islamarkaana ay la shaqeyn doonaan dowladda cusub.

Yemi Osinbajo  ayaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya ay ku gaari laheyd Nabad iyo Horumar.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu ku aqbalay Natiijadii Doorashada.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in dowladda Nigeria ay si weyn uga qeyb qaadan doonto dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.