Suldaankii guud ee Beesha Warsangali oo tagay Hargeysa kuna dhawaaqaya go’aan halis ku ah masiirka Puntland

0

Suldaankii guud ee beesha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa tagay magaalada Hageysa ee xarunta maamulka Soomaaliland, halkaas oo loogu sameeyay soo dhowayn balaaran.

Waxaa soo dhowaynta Suldaanka ka qeyb galay gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliland ahna gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro, wasiirka gaashaandhiga Soomaaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada ugu weyn ee socdaalka Suldaanka ayaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii Suldaanku wax ula qeybsan lahaa maamulka Soomaaliland islamarkaana uu fududeeyo codbixinta doorashada gobolka Sanaag, kadib markii Soomaaliland ay horey sanadkii hore ugu fashilantay inay diiwaan gelin buuxda ka sameyso gobolka Sanaag.

Suldaan Siciid wuxuu kamid yahay dadka ay ka go’ado talada iyo masiirka gobolka Sanaag, waxaana tagitaanka Hargeysa ay mugdi weyn galinaysaa masiirka gobolka Sanaag ee sheegashada Putland.