Kismaayo(AGGM) Illo Wareedyo ku dhaw dhaw Masuuliyinta Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni ayaa shaaca ka qaaday ujeedada ka dambeysa in shirka Magaalada Muqdisho ay ka biyo diidaan Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegaya in arrintaasi ay tahay mid ka soo laba kacleysay dhinaca Maamulka Puntland.
Sidoo kale wararkan ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo dano gaar ah wataa uu Axmed Madoobe ku cadaadiyey inuu shirkaasi diido isla markaasna uu yahay mid lagu afgambinayo Maamulkisa,waxaana la sheegay in Axmed Madoobe cadaadis xoogan ka soo fulayaan Kooxaha kala ah Faroole,Gandi, & Cumar Cabdirashiid oo dhamantood raba inay Axmed Madoobe iyo kooxdisa ka taqalusaan.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu arrintaasi ka biyo diiday isla markaasna uu shaciyey inuu dhameystirayo shirkii Addis Ababa,waxaase la sheegaya inay wali saarayaan cadaadi xoogan isla markaasna y raadinayaan qaab ay ku burburiyaan shirkii Addis Ababa lagu kala saxeexday ee ahaa in la taabo galiyo hawlaha ka socda goboladda Jubooyinka.
Horjoogayaasha Faroole & Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inaysan wali kala bixin arrintiaasi isla markaasna ay ka wada xaajoonayaan in shirkaasi laag qayb galo iyo in kale balse wararku waxay sheegayaan inuu Axmed Madoobe diyaar u yahay inuu shirkaasi ka qayb gallo balse kooxdan ay doonayso inay jar uga talaabsato Axmed Madoobe.
Ugu dambeyntii lama sadaalin karro inay kooxda Raaskambooni shirkaasi ka qayb gali doonto iyo in kale iyadoo dawladu shirkii Magaalada Muqdisho dib ugu dhigtey Maalmaha soo socda isla markaasna lagu wado inuu ka qabsoomo Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isugu tagi doonaan kooxaha isku Haya Siyaasada goboladda Jubooyinku.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com