Gabar Somali ah oo dhameysatay xabsi 9 Sano ahaa oo la sii deynayo

0

Caasho Cabdulle oo 42jir ah ayaa bisha soo socota dhameysaneysa sagaal Sano oo xabsi ah kadib markii 2008dii lagu xukumay dalkaasi.

Caasho ayaa lagu helay dambi ah in ay afduubatay Diyaarad  Rakaab wadday oo ka duushay Magaalada Blenheim kuna sii jeedday  Christchurch oo labaduba ka tirsan Dalkaasi New Zealand.

Waxaa lagu eedeeyay in ay 3 Middi la raacday diyaaradda sidoo kalena ay dhaawacday duuliyihii diyaaradda iyo labadiisa caawiye,waxaana ay diyaaradda deg deg u caga dhigatay magaalada Christchurch oo ay horayba ugu sii socotay.

Maxkamad ayaa la soo taagay waxaana lagu xukumay 9 Sano oo xabsi ah,waxaana ay dhameysan doontaa 7 Bisha February ee soo socota.

Kadib  dhameysiga xukunkeeda ayey Garsoorayaasha amreen in dhaq dhaqaaqeeda sheedda lagala socdo ilaa ay ka soo kabato kana qeyb qaadato nolosha dadka caadiga ah.

Waxaa laga mamnuucay in ay ka baxdo Garoomada Diyaaradaha ama garsho xitaa,sidoo kale waxaa laga mamnuucay meelaha ay dadka isugu tagaan,sidoo kale waxaa ay hadda ku jiri doontaa siideynta kadib xabsi guri.