DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Beelo isaga baxay Shirkii Jowhar iyo kuwa kale oo lagu wado iney isaga baxaan

0

Qaar ka mid ah beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa si cad ugu soo hor qaabkii ay Wasaarada Arrimaha gudaha u qeybisay oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Labada Gobol.

Qaar ka mid ah ergadii hore uga yimid gobolka Hiiraan ayaa isaga baxay xaruntii ay ku xareysnaayeen ee loogu talo galay in ergada lagu xareeyo kadib markii ay maqleen qaabka loo qeybiyay oday dhaqameedyada soo xulaya ergada.

Qaar ka mid ah ergadii laga soo daadgureeyay magaalad Beledweyne ayaa la arkay iyagoo sita boorsooyinkoodii oo ka soo baxay dhismaha uu shirku ka dhacayo.

Beelaha ka baxay waxaa ka mid ah Beesha Gaaljecel oo ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo Wareysi siiyay Shabakada wararka Allgalgaduud.com ayaa sheegay in aysan aqbali doonin qaabkii wax lo qeybiyay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan raali ka ahaan doonin sida ay Wasaarada Arrimaha gudaha wax u wado.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-