Soomaalida dalka iyo dibada waxaa ay sugayaan natiijo wanaagsan oo ka soobaxda Shirka Kismaayo ee maalmaha badan dib u dhacay taas oo la xariirta nooca doorasho ee dalka, waxaana miiska saaran 3 aragti oo kala ah in lagu noqdo Habka Qabiilka ku salaysan ee 4.5 , Habka deegaanka iyo aragtida 3aad ee ah in la isku dhafo doorashada oo lagu saleeyo 4.5 iyo deegaan.
Marka laga soo tago aragtiyahaas guud ee kasoo dhexmabay shirarkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay Caasimadaha Maamulada iyo Muqdisho ayaa waxaa jira aragti kale qorshe qarsoon uu uu wato Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, waxaana xusid mudan in cadaadis kadib uu Kismaayo tagay, iyadoona socdaalkiisa ay ku weheliyaan 50 xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiye Jawaari waxaa xusid mudan in 25 xildhibaan oo dheeraad ka ah tiradii xildhibaanada ee madasha inuu soo kaxaystay, waxaana dadka la socda Arrimaha Soomaaliya ay arrinkaa ku tilmaameen qas iyo fawdo la doonayo in lagaliyo natiijo wanaagsan oo laga garo Shirka Kismaayo ka furmaya Berri oo Khamiis ah.
Jawaari ayaa Warar laga helay xubno ka agdhow waxaa ay sheegayaan inuu qabo aragtida ah in Baarlamaanka Soomaaliya wakhti kordhin lasiiyo si ay u dhamaystiraan shirciyada dalka ee qabyada ah, waxaana Gudoomiyuhu uu qabaa in ay soo doortaan Baarlamaanka Madaxwayne iyo xukuumadd taas oo u muuqata Isbadal aan dhamaystiranayn oo imaan kara wakhtiga dawladda haatan jira uu xili hawleedkeedu ku egyahay.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali sharma’ake oo Kismaayo ku sugan ayaa dhankiisa aaminsan in doorashada Soomaaliya ay noqoto deegaan balse waxaa xusid mudan in Ra’iisulwasaare Cumar u qabo hadii ay timaado aragtida ah in Madaxda joogta wakhtiga loo kordhinayo inuu qabo qaadahsada 4.5, waxaana go’aankaas kuwada socda Ra’iisulwasaare Cumar iyo Beesha caalamka oo horay u sheegtay inaan marna la aqbali karin wakhti kordhin.
Dhinaca kale Madxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo malamihii ugu dambeeyay qayb ka ahaa xubnaha kacaga jiidayay Shirka Kismaayo ayaa maanta Kismaayo gaaray, waxaana berri lwada sugayaa shirku si rasmi ah u furmo.