XOG: Ergadi Beesha Caalamka Ka Socotay Oo Dib Uga Dhoofay Kismaayo. (Maxay Tahay Sababta?)

0

Sida ay sheegayaan Wararka nasoo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa inta badan Ergooyinkii ka socday Beesha Caalamka ee dhawaan gaaray magaalada Kismaayo ayaa la soo sheegayaa inay isaga baxeen Magaalada markii ay qaateen mowqif cusub.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa  in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ka cosaday inay arinta Soomaalida banaanka ka istaagaan oo ay isu daayaan Soomaalida dhexdeeda.

Wararka aan heleyno waxay intaasi ku darayaan in dhamaan UN-ka ,Igad .AU iyo kuwa kalaba ay ku laabteen Nayroobi basle ay sheegeen inay gabagabada soo laaban doonaan .

Isku soo wada duuboo Wakiilka Igad ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa laga soo xigtay in Beesha caalamku taageero siin doonaan wixii ka soo baxa shirka Kismaayo laakiin ay go’aansadeen inay go’aansadeen talaabo ah in Soomaalida dhexdooda la isu daayo si ay arimahooda u xaliyaan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media