Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasiirka arrimaha gudaha, Madaxweynaha maamulka Galmudug, Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland, Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka.
Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan e bulshada.
Madaxweynaha ayaa salaan kaga qaatay garoonka diyaaradaha Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, waxaana kadib si weyn u soo dhoweeyay kooxda bar baarta gaashaaman oo suugaan kala duwan ku cabirayay socdaalka Madaxweynaha iyo shirka labada maamul.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha Jowhar oo dhowaan dib u dayactir ay ku sameysay Maamulka Gobolka Sh/Dhexe, waxaana garoonka uu ahaa mid horay u shaqeyn jiray xilligii dowladdii C/llaahi Yuusuf
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu furo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo saaka ay soo gaareen Jowhar Ergooyinkii ka socday Gobolka Hiiraan oo uu horkacayay Guddoomiye Yuusuf Dabageed.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamola dhigay wadooyinka laga soo galo magaalada, iyadoo ay xiran tahay wadooyinka mara halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta labada Gobol.






