TOP DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland Iyo Madaxweynaha Galmudug Oo Si Caro Leh Uga Hadlay Safarka Jawaari Ku Tagay Dhuusamareeb.

0

Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa wada jir u Cambaareeyay socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka galgaduud.

Madaxweyneyaasha Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa sheegay in Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu ku tagay Dhuusamareeb ay wiiqi karto wada-hadalada ay Galmudug ka wado Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ka tirsan ee uu hor kacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb,iyadoo la sheegay in ay halkaa u tageen sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Maamulka Ahlusunna iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wali kama hadlin Eeda uga timid Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso Madaxweynaha Jubbaland

Hoos Ka Dhageyso Madaxweynaha Galmudug

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media