Daawo : Garaad Cabdulqaadir Axmed Xirsi Oo Digniin Culus U Diray Wakiilada Xawaaladaha Denmark.

0

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Garaadka Ummada Soomaaliyeed Garaad Cabdulqaadir Axmed Xirsi uu baaq u diray dhamaan mulkiileyaasha iyo madaxda xawaalada Soomaalida.

Garaadka Ummada Soomaaliyeed Garaad Cabdulqaadir Axmed Xirsi ayaa baaqaas waxa uu ku cambaarenayay wakiilada xawaaladaha Soomaalida ee dalka Denmark kadib markii ay ku soo rogeen Soomaalida ku nool Denmark inay ka qaadayaan Qidmad $ 7 doolar boqolkiiba qofkii lacag u dirsanaya Soomaaliya. Halkan Guji Kana Dhageyso Baaqaas.

Dadka Soomaalida ee ku nool dalka Denmark ayaa waxaa laga qaadaa lacag markii ay eheladooda jooga Soomaaliya u dirayaan lacagaha biilka bilaha ah, waxaana hadda qofkii u diraya lacag Soomaaliya laga qaadaa qidmad dhan $7 doolar boqolkiiba, oo lagu daray $2 doolar oo ah sarifka oo aysan jirin meel kale oo caalamka ah oo laga qaado taas oo ka dhigan in qofka Soomaaliyeed ee ku nool Denmark ee maanta doonaya inuu Soomaaliya u diro boqol doolar uu baxsho boqol iyo sagaal doolar ($109).

Go’aankan ay gaareen Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee Denmark ayaa arinta layaabka leh waxa ay tahay in Denmark kaliya uu quseeyo go’aankan oo aysan dalalka kale la qabin dhibaatadan sida dalalka dariska la ah Dalkaasi ee Sweden ,Norwey iyo wadamada kale ee caalamka.

Adeega dirista Xawaaladaha ee dalalka kale oo dhan ayaa waxaa laga qaadaa dadka Soomaaliyeed Qidmad ah $ 5 dollar boqolkiiba, halka dadka Soomaaliyeed ee dagan dalka Denmark ay wakiilada xawaaladaha ka qaadayaan $ 7 dollar boqolkiiba oo lagu daray $ 2 dollar oo lagu sheegay sarifka.

Soomaalida ku nool dalka Denmark ayaa waxa ay ogol yihiin kuna qanacsan yihiin oo qura sida Soomaalida kale ee caalamka ku nool inay baxshaan Qidmada $ 5 dollar boqolkiiba ah, waxii intaasi ka badana waxa ay aaminsan yihiin inay tahay xaaraan iyo dhac bareer ah oo lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Denmark, waqtigana uu samirkii ka dhamaaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool Denmark.

Garaadka Ummada Soomaaliyeed Garaad Cabdulqaadir Axmed Xirsi ayaa maanta mar labaad ka hadlay xiisada u dhaxeysa wakiilada Xawaaladaha Denmark iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark ee qidmada cusub ee $7 dollar boqolkiiba iyo $ 2 dollar ee loogu yeero sarifka  oo ay u arkaan in ay tahay dhac iyo boob bareer ah oo loo geesanayo shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala adeegyada Xawaaladaha Denmark.

Isku soo wada duuboo Garaad Cabdulqaadir Axmed Xirsi ayaa gabagabada video-giisan waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark ay dibedbaxyo dhigi doonaan, haddii ay dowladda Denmark weeydiisana waxa ay diidan yihiin oo ay dibedbaxa u dhigayaana ay u sheegi doonaan xaqiiqda jirta taas oo sababi karta in dowladda Denmark qudheeda ay  dacwad kale kusoo oogto Wakiilada Xawaaladaha Denmark.

Hoos Ka Daawo

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media