Kenya ayaa si adag iskaga difaacday eedeymo loo jeediyay oo ku saabsan in ay lacag badan qaab musuq maasuq ah kaga hesho Sokorta iyo dhuxusha kismaayo taasoo warbaahinta caalamka ay hadal heyso.
Daniel Bartonjo oo ka mid Saraakiisha ciidamada Kenya ee ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa sheegay in warbixinta dhawaan ka soo baxday Kooxda dabagalka caalamiga QM ee Somalia ay tahay mid been abuur ah islamarkaana ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu fadeexeeyso miisaanka Saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ay ku dhex leeyihiin Howlgalada ka socda Somalia.
Daniel Bartonjo waxa uu sheegay in QM aysan laheyn khubaro si dhab ah uga runsheega xaqiiqda ka jirta Somalia, waxa uuna beeniyay in arrinka lagu eedeeyay Kenya uu yahay mid waxkama jiraan ah.
Daniel Bartonjo waxa uu sheegay inuu qeyb ka yahay Saraakiisha lagu eedeeyay falkaasi musuq-maasuqa ah, waxa uuna carabka ku adkeeyay in waligii uusan ka macaashin badeeco laga soo dajiyay Dekada Kismaayo oo loo raray dalka Kenya.
Wuxuu soo hadal qaaday in faafinta warbixinadaasi ay kaalin ka qaaten Ganacsato Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhaliil ka qabaan nidaamka lagu koontaroolaayo Badeecada laga raro Dekada Kismaayo.