DHAGEYSO: Ciidamadi Ugu Badnaa Oo Itoobiyaan Ah Oo Gaaray Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo.

0

Wararka saaka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Dowlada Itoobiya ay ciidamadii ugu badnaa gaysay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana la sheegayaa in halkaas ay abaabulo dagaal ka socdaan.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo ay wehliyaan ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa weerar ku ah AlShabaab-ka kusugan deegaanada Gedo iyo Jubbada dhexe.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee maamulka Jubbaland uqaabilsan Gedo Sh Maxamed Al Qaadi ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha dagaal ee ka socda Baardheere.

Isku soo wada duuboo Dhawaan ayaa waxaa la badalay taliyihii ciidamada Itoobiya ee Baardheere iyadoo taliyaha cusub ee xilkaas la wareegay uu sheegay in qorshahooda uu yahay sidi ay AlShabaab uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media