Xafladan oo ka dhacday mid ka mid ah goobaha ugu waaweyn magaalada Columbus ayaa waxaa ka soo qeybgalay Boqolaal Muslimiin ah oo Soomaali u badan, kuwaa oo ka kala yimid gobolada dalka Maraykanka.
Munaasabadan oo lagu weynaynayay dhalashada Nebi Moxamed NNKH ayaa waxaa Muxadarooyin ku aadan Taariikhda suubanaha ka soo jeediyay Culumo Caan ka ah Muslimiinta Maraykanka, Kuwaas oo ka kala yimid Meelo kala duwan si ay dadka u gaarsiiyaan taariikhda iyo halgankii diiniga ahaa ee Islaamka uu soo maray.
Soomaalida Columbus Ohio oo intooda badan goobjoog ka ahaa ayaa la arkayay iyaga oo si weyn u soo camiray goobta, horayna u soo watay caruurahooda si ay ugu duwaan wadiiqada Islaamigaa.
Inkastoo culumaa’udiin aad u badan ay ka hadleen xaflada waxaa ka mid ahaa,
Sheikh Mohamud Guricel oo ka yimid Dalka Sweden
Sheikh Salah Moalin Abdullahi oo ka yimi gobolka Misouri ee dalka Maraykanka.
Sheikh Yusuf Mohamed Abdi oo ka yimid gobolka Kentucky
Dr. Mohamed Tarazi iyo Sheikh Jeremy Campion oo labaduba ka tirsan Culumada Ohio. waxaase soo jiidtay dareenka iyo indhaha dadka, Ahmedburhan oo loo yaqaan Ahmed Cadan oo ah wiil yar oo u dhashay dalka Maraykanka oo Islaamay isla markaana dhalashadii Nabiga ku Luuqada Somaliga iyo English.
Ka soo qeybgalayaashii Munaasabada ayay culumadu kula dar daarmeen in ay xagsadaan, bartaan, kuna dadaalaan Cilmiga islaamigaa si looga gudbo caqabadaha diimaha ee calamka hareeyay.
Mudadii ay xafladu socotay waxa ay culumado soo bandhigeen qasiidoonyin Nabi amaan ah iyo Taariikho Islaamiya oo la xariira halgankii diinta uu Nabigeena u soo maray.
Xaflada noocan ah oo sanad walba la qabto waxaa ku tookaysta goboladda Ohio iyo Minnesota.