Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in degmooyinka qaar ee Gobolkaas ay nuddo Sagaal Sanadood ah u go’doonsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana taasi ay ka dhalatay xaalad Bani’aadannimo.
Guddoomiyaha oo safar deg deg ah ku tegay degmada Buulo Burde oo kamid ah degmooyinka Go’doonsan ayaa sheegay in dadka kunool degmadaas ay heeysato dhibaatooyin daran oo ugu horreeyaan cuno yari, Biyo yari iyo kuwo bafan oo ka dhashay go’doonka, hayeeshee sida kaliya ee looga gudbi karo ay tahay in gacmaha keys qabsado.
Sidoo kale Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in go’doonka degmooyinka qaar ee Gobolka Hiiraan aan lagu fiirsan oo si deg deg ah looga qaado si ay usoo noqoto Nolosha Bulshada.
Al-Shabaab ayaa go’doomiyay degmooyin badan oo kuyaalla Gobolka Hiiraan, waxaana ay saameeysay dadka danyarta ah ee kunool dehmooyinkaas oo maciishada ay qaali ku noqotay.